Rabshadaha Itoobiya Oo Loo Xidhay 5 Kun Qof Oo Ay Masuuliyiin Ku Jiraan

Addis Ababa (HCTV) – Xogahayaha xafiiska Raysal- wasaaraha dalka Itoobiya Nigusuu Tilaahuun ayaa sheegay rabshadihi dhawaan dalka Itoobiya ka dhacay dadki loo qabqabtay iney gaadheen 5,000 oo qof.

Mr. Nigusuu oo shir jaraa’id uu kaga hadlayo xaaladda dalka Itoobiya qabtay wuxuu sheegay inay xaaladda dalka Itoobiya ay deggan tahay.

Dadkan faraha badan ee ay dowladda xidhay iyo dad kale oo ay weli dowladda ku raad joogta inay dalka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dilal iyo burburin hantiyeed.

Dhacadadaasi wixi ka dambeeyey “Qaab dhismeedka amniga ee dalka Itoobiya waxay billaabeen inay qaadaan tallaabbooyin adag oo aan ka soo noqosha lahayn” ayuu yidhi

Mr. Nigusuu wuxuu intaasi ku daray in la dhisay guddi isku dhaf ah oo heer qaran oo ka kooban heer federaal iyo heer deegaan iyada oo ay guddigu tagi doonaan dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada ay dhibaatooyinka ka dhaceen.

“Guddigaasi heer qaran warbixinta ay ka soo diyaariyaan dhibaatooyinki rabshadahaasi ka dhashayna waxay la wadaagayaan shacabka dalka Itoobiya” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mr Nigusuu wuxuu sheegay wixi ka dambeeyey dilki loo geystay fannaan Hachaalu Hundeesa xabsiga loo taxaabay mas’uuliyiin dowladeed oo heerar kala duwan “Mas’uuliyiinta dowladda intooda badan waxay dadaal xooggan ay u galeen sidii rabshadahaasi loo damin lahaa, halka ay jiraan mas’uuliyiin iyaguna rabshadahaasi qayb ka ahaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Mas’uuliyiinta isku dayay lug inay dowladda kula jiraan lugna ay rabshadaha kula jiraan in sharciga lala tiigsanayo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka