Wefti Ethiopian Ah Oo Uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadu Oo Somaliland Yimid

HomeSomali News

Wefti Ethiopian Ah Oo Uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadu Oo Somaliland Yimid

Somaliland Oo Ku Wargalisay Beesha Caalamka Inaanay Qayb Ka Ahayn Hannaanka Doorashada Soomaaliya
Pakistan Oo Sheegtay Inay Hawadeeda Ka Xidhanayso Diyaaradaha India Ee Isticmaala
Toban Qof Ayaa Ku Dhintay Iska Hor imaad Laba Beelood Oo Ka Dhacay Dac Dheer
RW Soomaaliya oo Tababar usoo Xidhay Cutubyo Cusub oo Ciidamo ah.
40 Qof Oo Ku Dhintay Goob Ay Xaflad Aroos Ka Socotay Oo La Duqeeyay

Hargeysa, (HCTV) – Wefti Ethiopian ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada dawladda Federalka ee Ethiopia Axmed Shide ayaa socdaal ku yimid magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Weftigan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana kulankaasi kaga wada hadli doona arimo ku saabsan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Socdaalkan weftiga Ethiopian-ka ah ayaa imanaya kadib markii todobaadkan wefti Masaari ahi ay yimaadeen Somaliland, kuwaas oo kulano laba geesood ah la yeeshay saraakiil ka socotay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradaha Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo xanaanada xoolaha.

Ethiopia ayaa ah dal ay saaxiib dhow yihiin oo ku wada yaala mandaqada Geeska Afrika. Waxaanay iska kaashanayaan mashaariic shirkadda DP World iyo Dawladda Imaaraadka Carabtu ay fulinayo oo ay ka mid tahay dib u dhiska dekeda Berbera oo door mug leh ka qaadan doonta isku xidhka maraakiibta ganacsiga ee Geeska Afrika iyo bariga Dhexe.

Waxaana Saamiga mashruucaasi dib dhiska Dekeda Berbera ay Ethiopia ku leedahay 19%, halka Somaliland ay haysato 30% iyo DP World 51%. Waxaana sidoo kale ku jira dhismaha jid isku xidha Berbera iyo Ethiopia oo gaadhaya 250-kilometre.

COMMENTS