Koox Xagjir Ah Oo Nigeria Ku Dilay 5 Nin Oo Hawl-wadeeno Gargaar Ahaa

Nigeria (HCTV) – Dagaalyahanno lagu xidhiidhiyey Kooxda Daacish oo ku sugan dalka Nigeria ayaa shaacisay Muuqaal muujinaya dil ay ku fuliyeen Shan Nin oo u afduubnaa illaa bishii June.

Ragga la laayey oo ahaa Muwaadiniin u dhashay Nigeria ayaa u shaqaynayey Ururrada Gargaarka ee ka shaqeeya deegaannada Waqooyiga Dalka Nigeria oo ay ku badan yihiin kooxaha Xagjirka ah.

Hay’adaha International Rescue Committee iyo Action Against Hunger ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah Ragga la diay ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalahooda.

Ragga la dilay ayaa bishii June ee Sannadkan laga Afduubay Gobolka Borno oo ku yaalla Waqooyi-bari Nigeria.

dalka Nigeria waxa aad uga dhaqdhaqaaqa Kooxda Boko Haram oo xidhiidh la leh Daacish.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka