USA: Covid_19 Oo Maalin Gudaheed Ku Dilay 1000 Qof Dalka Maraykanka

Hargeysa (HCTV) – Maraykanka ayaa mar kale laga diwaangeliyey Dhimashada 1000 Qof, kuwaasi oo Maalin keliya u Geeriyooday Xanuunka Covid_19 ee dunida sida ba’an u saameeyay.

California oo Xanuunku aad ugu faafay ayaa u muuqato inay Kaalinta koowaad ka qaadayso New York, marka loo eego Tirada Xanuunku soo ridanayo iyo kuwa uu dilayo.

Saraakiisha Caafimaadka ee California ayaa sheegay in guud ahaan Tirada Dadka uu ku dhacay California ay marayso 413,576, taasi kiisaska New York ka badan 4,700.

Dalka Papua New Guinea ayaa qaylo-dhaan u dirsaday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isagoo ka cabsi qaba in Xanuunku uu si ba’an ugu fido.

Goor horeba, Xanuunku wuxuu ku dhacay 15 Million oo Qof dunida oo dhan, waxaana u Geeriyooday 622,000, halka 8.6 million ay ka soo kabteen, sida laga soo xigtay Jaamacadda ururisa xogta Xanuunka Covid_19 ee Johns Hopkins University.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka