War-saxaafadeed: Guddoomiyaha Astaan Cable Oo Hargeysa Ku Xidhan

Hargeysa (HCTV) -Waxa Magaalada Hargeysa muddo Lix Maalmood ah ku xidhan Guddoomiyaha guud ee Shirkadda Astaan Cable Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed.

Sidaana waxa xaqiijiyey Axmed Maxamed Jaamac oo ah Guddoomiyaha board-ka Astaan Cable, ahna Wakiilka Saamilayda Somaliland ee Astaan Cable oo Caawa War-saxaafadeed ka soo saaray dalka Hindiya.

Wakiilka Saamileydu wuxuu War-saxaafadeedka ku sheegay in Guddoomiyaha guud ee Astaan Cable la xidhay 17-kii bishan July, 2020, iyadoon sifo sharci ah loo soo marin, sidaasi darteed uu xadhiggiisa cambaaraynayo.

Wakiilku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in xadhigga Guddoomiyaha Astaan Cable ay ka dambeeyaan dad doonaya inay sameeyaan Astaan Cable oo kale, bale adeegsanaya awood dawladeed, iyagoo Astaan Cable ka dhigaya shirkad laga leeyahay Soomaaliya, taasina tahay arrin khatar ku ah Maalgeshiga ay ganacsatadu ku samaysato Somaliland.

War-saxaafadeedka uu Wakiilka Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable ka soo saaray dalka Hindiya oo uu safar ku joogo ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

 

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-ka