Soomaaliya: Baarlamaanka Oo Kalsoonida Kala Noqday Raysal-wasaare Khayre

Muqdisho (HCTV) – Baarlamaanka Dawladda Soomaaliya ayaa kalsoonida kala laabtay Raysl-wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Xukuumadda.

Fadhigii Maanta oo shir-guddoominayey Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa cod gacan taag ah kalsoonida lagala laabtay Raysal-wasaare Khare, taasi oo ka dhigan in Xukuumaddiisii dhacday.

170 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa ku codeeyay HAA isla-markaana ogolaaday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre.

Arrintan ayaa ahayd mid kadis ah oo àan hore loo sii ogayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda  Online-ka