Muslimiinta Ku Sugan Xaramka Oo Bilaabay Gudashada Waajibaadka Xajka

Makka, (HCTV) – Muslimiinta ku sugan Xaramka barakaysan ayaa maanta bilaabay gudashada waajibaadka Xajka. Balse sanadkan ayaa ka duwan sanadihii hore, waxaana xajka sanadkan gudanaya 10,000 qof oo kaliya oo ka mid ah dadka degan Sucuudi Carabiya.
Cabsida laga qabo cudurka Coronovirus ee xawliga u faafaya ayaa sababtay in dawladda Sucuudigu ay joojiso malaayiin muslimiin ah oo kasoo Xaji lahaa qaaradaha dunida, waxaana sanadkii u dambeeyey gutay waajibaadka Xajka dad tiradoodu gaadhayso 2.5 million oo Xujay ah.

Khalid bin Qarar Al-Xarbi, oo ah agaasimaha amniga guud ee Sucuudiga wuxuu yidhi “Ma jiraan wax walaac ah oo la xidhiidha amniga.

Xujeyda waxaa looga baahan doonaa inay xidhaan Marada lafka iyo sanka lagu xidho, oo ay muujiyaan kala fogaansho inta lagu guda jiro Cibaadada Xajka oo shan cisho oo xidhiidh ah lagu qaadan doono magaalada barakeysan ee Makka iyo nawaaxigeeda galbeedka Sacuudiga.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.