Sheekh Aadan-siiro Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Madaxweyne Biixi Iyo Xukuumaddiisa

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in intii uu xilka qabtay ay Ummadda reer Somaliland kala fogaatay.

Sheekhu waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in intii ay xilka haysay ay adkaatay Xaaladda Nololeed ee Bulshadu, isagoo xusay in Xaaladda Nololeed ee Bulshada ee sii adkaatay ay sabab u tahay xidh-xidhnaan dhaqaale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi sababtay, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrimahaas wax laga qabto.

Sheekha oo ugu horrayn Hambalyo u diray Shacabka reer Somaliland iyo Ummadaha kale ee Islaamka ah Munaasibadda Ciidal Adxaa awgeed, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi  “Waxaan Maanta la hadlayaa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan in badana la hadlay, waxaanu ugu celcelinaynaa (la hadalka Madaxweynaha) Ilaahay baa yidhi ‘Waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ah’. Madaxweyne Dadkii wuu kala irdhoobay, Dalka waxaad qabatay iyada oo uu Dalku isku xidhan yahay oo ay dadku midaysan yihiin bari illaa Galbeed, mar walba wax way jireen, laakiin dal midaysan baa laguu dhiibay. Maanta khilaaf Adiga kaa bilaabmaya oo Adiga kugu dhamaanaya ayaa dalkii haysta, Arrintaas ayaanu kaala hadlaynaa..”

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka