Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu ula kulmo madaxda dawladda Somaliland.

Socdaalka Safiirka dalka Shiinuhu uu ku yimid Hargeysa ayaa imanaya kadib markii ay Somaliland dhawaan xidhiidh diblomaasiyadeed ay la yeelatay Taiwan, isla markaana ay labada dhinac isdhaafsadeen safiiro u kala fadhiyi doona labada dhinac ee Hargeisa iyo Taipei.

Dawladda Beijing ayaa si xoogan u diidey xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, maadaama oo Shiinuhu u arko in Taiwan ay ka tirsan tahay dalweynaha Shiinaha, isla markaana Taiwan aanay geli karin xidhiidho diblomaasiyadeed iyada oo kaligeed ah.
Sida laga soo xigtay ilo dibloomaasiyadeed, ayaa sheegaya in dawladda Shiinuhu ay ku cadaadin doonto Somaliland inay joojiso xidhiidhada ay la samaynayso Taiwan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.