Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Cabasho Ka Muujiyey Qaad U Socday Puntland Oo Dib Loo Soo Celiyey

Nairobi, (HCTV) – Ganacsatada Qaadka Miirooga ee dalka Kenya ayaa mar kale sida fiinta uga qayliyey Diyaarad siday 11 tan oo Qaad ah oo ku socotay Puntland oo dawladda Federalka Somalia ay dib usoo celisay.

Diyaaradan ayaa noqonaysa tii labaad ee Qaad siday oo dowladda Soomaaliya ay ka celiso hawadeeda muddo todobaadyo gudaheed.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta looga baahnaa.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19.

Arrintaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay fasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Balse diyaaradaha xamuulka oo ay kamid yihiin kuwa Qaadka keena Soomaaliya weli lama fisixin.