Rabshado Mar Kale Dib Uga Soo Cusboonaaday Gobolka Oromada Ethiopia

Addis Ababa, (HCTV) – Gobolka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa waxa mar kale dib uga soo cusboonaaday dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dhalinyaro iyo xubno u ololeeya xuquuqda Oromada ku dhaqan dalka Ethiopia.

Rabshadan oo mar kale maanta dib uga soo cusboonaaday halkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilka fanaankii Hachalu Hundessa ee lagu dilay Addis Ababa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro ka badan 9,000 qof ay ku barakaceen rabshadihii u dambeeyey ee gobolka Oromada ka dhacay bishii la soo dhaafay sida uu sheegay xafiiska isku duwida arimaha bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee (UNOCHA) maanta oo Isniin ah.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in dibadbaxu uu saamayn ku yeeshay hawlihii bani’aadantimada ee socday, gaar ahaana uu si isdaba jog ah u saameeyey qaybinta raashinka iyo hawlihii gargaarka ee xiligan COVID-19 uu jiro.

Inkasta oo wararku ay sheegayaan in 239 qof lagu dilay intii dibadbuxu uu socday, tiro ku dhow 10,000 qof oo kalena la xidhay.