Dr Xaawo Cabdi Oo Ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha unaxariistee Drs Xaawo Cabdi oo ahayd Dhaqatarad cimrigeeda inta ugu badan ku bixisay samafalka bulshada.

Drs Xaawo Cabdi ayaa mudo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka, iyadoona lagu xasuusto HalgankiiĀ  ay u soo gashay Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalka uu ku jiray Burburka.

Marxuumadda ayaa duleedka Magaalada Muqdisho ka yagleeshay cusbitaal lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka iyo dadka kale ee buka.

Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe, waxa ay ku dhalatay magaaladda Muqdisho, sanadku markii uu ahaa 1947kii. Waxa ay ka shaqeynaysay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo daweynta kuwooda taagta daran, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Markii ay burburtay dawladdii dhaxe ee Soomaaliya waxay duleedka magaaladda Muqdisho ka dhistay Cisbitaal, iyo xero barakacayaasha ay ku helaan hoy iyo daryeel caafimaad.

Dad badan oo isugu jira masuuliyiin dowladdeed iyo shacabka ayaa geerideeda ku tilmaamay tiir adag oo ka baxay umadda Soomaaliyeed.