Ugu Yaraan 100 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Beirut, Lebanon

Ugu Yaraan 100 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Beirut, Lebanon

Wiil Qareennimo Usoo Bartay Soo Celinta Dhulkii Laga Qaaday
Isreal Oo Sheegtay Inuu Khalad Ahaa Weerar Ay Ku Dileen 9 Qof Oo Falastiiniyiin Ah
AKHRI: Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Trump Oo Laga Helay Covid_19
Salaadiin Iyo Odayaal Xukuumadda Somaliland Uga Digay In Ganacsade Loo Gacan Galiyo Djibouti
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Muqdisho Kaga Qayb Galay Aaska Marxuum Cali Khaliif Galaydh

Beirut, (HCTV) – Madaxweynaha waddanka Lubnaan Michel Aoun ayaa waxa uu golahiisa wasiirrada amray iney isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo sida masiibadii xalay ka dhacday magaalada Beirut looga hadli lahaa maanta oo Arbaco ah, waxa uuna dalka geliyay xaalad deg deg ah.

Dhimashada qaraxyadii ka dhacay dekadda ayaa gaadhay 100 qof , halka uu dhaawaca uu gaadhay 4,000.

Qaraxyada ka dhacay magaalada caasimadda u ah waddankaas,  ayaa waxay sidoo kale saameyn lixaad leh u geysteen guryo iyo dhimayaal dhaadheer oo qaar kamid ah ay gebi ahaanba bur-bureen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay aad u kordhi kareyso, iyadoo weli kooxaha badbaadada ay weli qodayaan bur burka dhismayaal dumay oo la aaminsanyahay iney ku hoos jiraan dad badan.

Waxaan weli caddeyn waxyaabaha qaraxaydii dhacay sabab u ahaa, balse waxaa lasoo werinayaa in baaruud ku keydsaneyd bakhaarrada dekadda ay qaraxday. Taas oo culeys ahaan gaadhaysay 2,750 tan.

Madaxweyne Aoun ayaa waxa uu isla xalay shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo uu la yeeshay Golaha sare ee difaaca waddankaas.

COMMENTS

%d bloggers like this: