Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Somaliland Noqotay Meelaha Ugu Laydhka Qaalisan, Xukuumadana Baaq U Diray

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame ayaa sheegay in Somaliland noqotay meelaha ugu Laydhka qaalisan wadamada dunida iyo deegaanada Soomaalidu ay degto, waxaanu Xoghayuhu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato adeegyada aasaasiga ah oo uu ka mid yahay Laydhku.

“Somaliland waxay ku jirta wadamada ugu lahydhka qaalisan dunida iyo deegaanada Soomaalida oo dhan marka aad isku gayso, Somaliland waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ugu laydhka qaalisan ee aanay iska bixin Karin shacabkeedu.

Laydhka Somaliland waxa shida shirkado gaar loo leeyahay, Somaliland laydhkii ay lahayd xukuumadu ee ahaan in qiimihiisu uu jabnaado ma jiro.

Dawladdnimada macnaheeduna waxa weeyi in shacabka cashuur bixiyeyaasha ah ay helaan addeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Korontada, Jidadka iyo dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah.

Hadii dawladnimada macnaheedu intaa bixin karaynin, ma samaynayo dhadhan macnaheedu, waxaanu xilweyni ka saaran yahay oo loo baahan yahay in dawladdu adeeg Laydh ay bixiso oo jaban oo dadku ay bixin karaan, ama in ganacsatada Laydhka guud ahaan Somaliland ka shida in lala xisaabtamo oo lagu kor-joogteeyo qiimaha laydhka…” ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhame, Xoghayaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee xisbiga Waddani.