Kalkaaliso Qaraxii Bayruut Ka Bedbaadisay Saddex Carruur Ah Oo Markaas Dhashay

Bayruut (HCTV) – Dalka Lubnaan, Haweenay Kalkaaliso Caafimaad ah ayaa loo aqoonsaday Halyeeyad Qaran, ka dib markii ay Qaraxii ka dhacay Dekedda Bayruut ka soo bedbaadisay Saddex Carruur ah oo markaasuun dhashay.

Kalkaalisada oo Magaceedu yahay Pamela Zeinoun ayaa xilliga Qaraxa weyni ka dhacay Dekedda Bayruut ka shaqaynaysay Dabaqa Afraad ee Cisbitaalka St George Hospital University Medical Centre, kaasi oo waxyeelo ka soo gaadhay Qaraxaasi.

Waxay u sheegtay Wargeyska The National in markii Qaraxu dhacay ay burbureen Saqafkii Qolka ay ku jirtay isla-markaana soo daateen Qalabkii yaallay Cisbitaalka, waxaana isla markaa halkaa ku Geeriyooday 12 Qof oo isugu jiray Bukaan jiifay Cisbitaalka iyo Dad soo booqday, halka 100 dhakhtar iyo Kalkaaliyeyaal Caafimaad ah oo Cisbitaalka degganaana ay dhaawacyo soo gaadheen.

Laakiin, waxay sheegtay in xilli khatar badan jirtay isla-markaana Saaxiibbo badan oo shaqaalihii Cisbitaalka ay dhiig-baxayaan ay suurto-gashay inay soo bedbaadiso Saddex Carruur ah oo yaryar, kuwaasi oo kala ah Wiil iyo Gabadh Mataano ah iyo Ilmo kale, kuwaasi oo Cosbotaalka ku dhashay intaan Masiibadu dhicin.

Kalkaalisadu waxay sheegtay in markaa ka dib ay Carruurta kala carartay dhibaatadii Meesha ka taagnayd illaa ay gaadhay 5KM meel u jirta Cisbitaalka khasaaruhu ka soo gaadhay Qaraxa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka