Fatahaado Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Wararkii U Dambeeyay

Itoobiya (HCTV) – Kumanaan Qof ayaa ka barakay Gobolka Canfarta ee Dalka Itoobiya, ka dib markii khatar soo waajahday.

Dad lagu qiyaasay 32 kun ayaa barakacay, ka dib markii uu Fatahay Webiga Awash.

Xafiiska ka hor-tagga Masiibooyinka iyo kaydka Raashinka ee Gobolka Canfarta Itoobiya ayaa Toddobaadkan xajiijiyey in Fatahaadda Webiga Awash ay ku barakeen 32 kun oo Qof.

Dadkasi ayaa xilligan waajahaya khatar ka dhalatay Cunto yari, ka dib markii ay ka qaxeen Deegaannadoodii iyo Guryahoodii.

Dhibaatada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Awash ayaa waxa sii kordhiyey Fatahaado ay sameeyeen Webiyo yaryar oo ka farcamay Awash, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Amibara, Dubti, Aisaita, and Afambo, kuwaasina waxyeelo gaadhsiiyeen deegaano ka mid ah Gobolka Canfarta, sida ay ku warrantay Warbaahinta Itoobiya oo HCTV uu soo xigtay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Fatahaaduhu bilaabmeen markii Roobab waaweyni halkaa ka da’een.

Madaxweynaha Ismaamulka Canfarta Itoobiya Awol Arba ayaa sheegay inay Maamul ahaan wixii awooddooda u samayn doonaan Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay Fataahadaha ka dhacay Gobolka Canfarta, sida ay ku warrabtay Ena.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka