Faransiiska Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogaya Siyaasiyiinta Lubnaan

Lubnaan (HCTV) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu Cunaqabayn ku soo rogo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Dalka Lubnaan, kiuwaasi oo ku jiro Raysal-wasaarihii hore ee dalkaasi Gebran Bassil.

Ilo Diblumaasiyadeed ayaa la soo xigtay in Madaxweyne Emmanuel Macron uu qarka u saaran yahay inuu soo rogo Cunaqabatayno, taasi oo ay qayb ka tahay in la xayiro dhaqaalaha ay dalka dibeddiisa dhigteen Siyaasiyiinta reer Lubnaan.

Xogtan oo ay baahisay Al-arabiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Cunaqabataynta lagu soo rogayo ay isugu jiraan kuwo Muslimiinta Suniga, kuwa Shiicada ah iyo weliba kuwa Kiristaanka ah ee ku wada nool Lubnaan.

Xogtan cusub ayaa timid, ka dib markii Madaxweynaha Faransiisku uu booqday Lubnaan, ka dib Qaraxii sababay dhimashada 158 Qof iyo dhaawaca dad ka badan 5000.

Qaraxa ka dhacay Bayruut ka hor, waxa Dadweynaha dalkaasi ka cabanayeen Maamul xumo, Musuqmaasuq baahsan, laakiin waxa la sheegay in Madaxweynaha Faransiisku uu la kulmay Madaxda Xisbiyada Lubnaan, una soo jeediyey inay musuqmaasuqa joojiyaan, isagoo u qabtay muddo 3 Toddobaad ah.

Socdaalka Madaxweynaha Faransiisku ku tagay Lubnaan, ayaa yimid ka dib markii Dadka reer Lubnaan qaarkood dalbadeen in Maamul ahaan dib loogu celiyo Faransiiska oo ay Maxmiyad u ahaayeen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka