Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciiddanka Madaxtooyada

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay taliyaha ciiddanka madaxtooyada Puntland, maalin kadib markii Gaalkacyo lagu dilay taliyihii xilkaas hayay oo ku geeriyooday howlgal lagula dagaalamayay koox maandooriyaha ka ganacsada.

Madaxweyne Deni ayaa xilkan u magacaabay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo horey u ahaa taliyihii qeybta booliiska gobolka Nugaal.
Waxaa sidoo kale la magacaabay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, waxaana xilkaas loo magacaabay  G/sare Maxamed Aadan Jaamac.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbedel degdeg ah lagu sameeyo xoojinta amniga, saraakiisha la magacaabayna ay hormuud u noqdaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.