Tirada Maroodiga Kenya Oo Laba Jibaarantay 30-kii Sanadood Ee U Dambeeyey

Nairobi, (HCTV) – Maroodiga Kenya ayaa in ka badan laba jibaarmay laga soo bilaabo 1989 illaa maanta, koox adeeggyo u qabata duurjoogta ayaa kaga dhawaaqay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ee Maroodiga Aduunka.

Wasiirka Dalxiiska Najib Balala ayaa isna sheegay in mas’uuliyiinta dawladdu ay ku guuleysteen inay la dagaalamaan ugaadhsiga sharci darrada ah ee Maroodiga.
Dedaalo lagu xakameynayo ugaadhsiga sharci darrada ah ayaa gacan ka gaystay korodhka maroodiga Kenya in kabadan laba jibbaar sodonkii sanadood ee lasoo dhaafay inuu gaadho, Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS) ayaa Arbacadii shaaciyay sidaasi.


Kenya waxa la sheegay inay ku noolaayeen 16,000 maroodi sanadkii 1989, laakiin sanadkii 2018 tiradaas ayaa kor u kacday in kabadan 34,000, Agaasimaha KWS John Waweru ayaa sidaasi sheegay intii lagu gudajiray xuska Maalinta Caalamiga ee Maroodiga oo ka dhacaysay Amboseli Park.

“Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaan ku guuleysanay in aanu la dagaalano ugaadhsiga Maroodiga ee dalkan,” ayuu yidhi Wasiirka Dalxiiska Kenya Najib Balala mar uu la hadlayey wariyeyaasha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.