Muxuu Yahay Hergebka Uu U Dhimanayo Geela Soomaalida Kenya ?

Kenya (HCTV) – Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada waqooyi-bari ee Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay cudur ay sheegeen in uu laynayo geelooda, dadka qaar waxay sheegayaan in cudurkan uu yahay hergeb daran oo saameyn ku haya geela, sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Maxamed Cabdi Shaalle oo ah wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee maamulka Gaarisa ayaa BBC u xaqiijiyay in cudurkan uu ku dhacay qaar ka mid ah geela gobolka isla-markaana baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in uu yahay cudur ka dhasha bakteeriyada.

“In Geel badan uu cudurka la xanuunsaday oo ay xoolo dhaqatadu inoo sheegeen, kaddib waxaan sameynay in dhakhaatiir u dirno ay soo eegayaan waxa ay u maleyn karaan wax uu yahay cudurka, waxay markii hore u maleynayeen cudur la yidhaahdo ‘Mers’ mase noqon cudurkaas halista badan kaddib baadhitaan aan sameynay waxaan ku ogaanay in uu yahay cudur sababa bakteeriyada” ayuu yidhi wasiirka.

Wuxuu sheegay in cudurkan aanu aheyn feyraska Corona, “Kaddib markii aan baadhitaan ku sameynay sheybaadh Gaarisa ku yaalla, waxaan xaqiijinay in cudurka aanu aheyn Corona ama Corona wax u dhaw ama feyras”

Maxamed Cabdi Shaalle ayaa ka dhawaajiyay in geela xaaladdiisa ay soo hagaagtay kaddib markii ay siiyeen dawooyinka ka hortagga caabuqa.

Ma cadda tirada geele iyo deegaannada uu cudurkan saameynta ku yeeshay.

Dhanka kale, dowladda Kenya waxay sheegtay in geela ku nool deeganadaas uu ku dhacay xanuun ka dhasha bakteeriyada oo ku dhaca neef-mareenka kaas oo halis ah haddii si deg-deg ah loo daweyn waayo, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

Deegaanaada uu saameeyay cudurkan waxaa ka mid ah Marsabit, Wajeer, Isiolo iyo Gaarisa.

“Baadhitaanada waxay muujinayaan in cudurkan uu saameynayo Geela yaryar, laguna arkay calaamadaha sida diif, qufac, neef qabatin iyo marka dambe dhimasho” ayuu yidhi agaasimaha guud ee laanta xanaanada xoolaha ee Kenya, Charles Ochodo, sida uu ku warramay Wargeyska.

Dowladda waxay sheegtay in cudurka uu laaynayo geela wixii ka yar labo jir, balse aanu aheyn cudurka Mers ee markii ugu horreysay ka dilaacay Sucuudiga sannadkii 2012-kii.

Dhaqane Karuur oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ee ku nool Gaarisa ayaa sheegay in geeliisa uu ku dhacay cudur ay u maleeyeen in uu yahay hergeb.

“Xanuun hergeb ah oo geela ku dhaca ayaa jiraa, neefka wuu qandhan, qanjidhaha luquntana wey soo boodayaan, geela wuu qufacayaa marka uu xanuunkan ku dhaco, neefka dhogortiisaa baddalmi, socodka wuu gabi, duuf fara badan buu keeni, indhaha dhalxan buu ka keeni, Geela hergeb wax la yidhaahdo wuu dhici jiray hadda sida ay tahay lama arki jirin “

Wuxuu sidoo kale sheegay in cudurkan marka uu ku dhaca geela uu biyaha iyo baadka aanu qaadaneyn, halka qaar ka mid ah ay kacayaan halka tiro ka mid ah geelana uu dilay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka