Reer Awdal Oo Sheegay Inay 33 Kursi Ka Doonayaan Golaha Wakiillada Somaliland

Boorama (HCTV) – Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa sheegay in Saamiga ay Beel ahaan ka doonayaan Kuraasta Golaha Wakiilladu inay tahay 33 Kursi oo u dhiganta 40%.

Suldaanka oo Waraysi siiyey Warbaahinta Golaha91.com ayaa sheegay in Shir Beesha Gadabuursi ku yeelatay Deegaanka Gobeed lagu go’aamiyey inay helaan Saamigooda oo uu sheegay inuu yahay 33 kursi oo ka mid ah Golaha Wakiillada.

“Shirkii Beelaha Gadabuursi ku yeesheen deegaanka Gobeed oo lagu dhammaa, waxa lagu go’aamiyey inay si Cad u helaan Saamiga ay Dalka ku leeyihiin, hadday waayaan inay ka joogaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Saamigaasi waxa weeyaan hadday boqollay noqoto, boqolkiiba Afartan, hadday noqoto siday imika ku fadhiyaan ee 82-ka ahna waa 33 Qof, arrinkaa waanu u caddaynay Guddiga Arrimaha gudah ee Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda nabadda..”

Beelaha Gobolka Awdal ayaa hadda Golaha Wakiillada ku leh 13 Kursi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka