Boqor Salman Oo Shaqada Ka Eryey Taliyihii Ciidamada Isbahaysiga Sucuudigu Hoggaamiye Ee Dagaalka Yemen

Riyadh, (HCTV) -Boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salman ayaa shaqada ka eryay laba nin oo reer boqor ah oo lala xidhiidhiyey musuq-maasuq,  kuwaas oo loo gudbiyey waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa si baadhitaan loogu sameeyo sida ay sheegtay warbaahinta dowlada Sucuudigu.

Wareegto ka soo baxday boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya oo la soo saaray subaxnimadii hore ee Salaasada maanta, ayuu Boqor Salmaan wuxuu xilkii ka qaaday Amiir Fahd bin Turki bin Abdulaziz Al Saud oo ahaa taliyihii ciidamada isku dhafka ah ee xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen, wuxuuna xilkii gudoomiye ku-xigeenka ka qaaday wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Fahd. gobolka al-Jouf.

Go’aanku wuxuu ku salaysnaa warqad uu ka helay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman (MBS) iyo Nazaha, guddiga la dagaallanka musuqmaasuqu, si ay u baadho “dhaqdhaqaaqyada lacageed ee laga shakiyo ee wasaaradda gaashaandhigga”.

Afar sarkaal oo kale oo militariga ka tirsan ayaa iyagana baadhitaan lagu sameeyay.

Ku dhawaaqista ayaa muujineysa talaabadii ugu dambeysay ee dowlada ay kula kacdo waxa ay saraakiishu ku sheegeen musuq-maasuqa baahsan ee ka jira boqortooyada Sucuudiga.

Tan iyo markii Maxamed Bin Salman uu noqday dhaxal sugaha boqortooyada sanadkii 2017 oo talo maroorsi ku timid dhinaca dhaxalka Boqortooyada, wuxuu bilaabay olole ka dhan ah musuqmaasuqa oo lagu arkay dad fara badan oo isugu jira boqortooyo, wasiirro iyo ganacsato oo lagu xidhay hoteelka Ritz-Carlton ee Riyadh.

Waxaana intooda badan la siidaayay ka dib markii ay gaadheen heshiis aan la shaacin.

In kasta oo amiirka dhaxalka leh, uu ladagaalanka musuqmaasuqa ka dhigay tiirarka isbadalkiisa, hadana dadka dhaliila waxay sheegayaan inuu u dhaqaaqayo uu kaga soo horjeedo kooxaha kula tartamaya dhaxalkiisa uu ku doonayo taajka boqortooyada, waxaanu la wareegay laamaha amaanka ee dalka Sucuudiga, isagoo la dagaalamay mucaaridka dalkiisa.