Ujeedada Socdaalka Madaxweyneyaasha Puntland Iyo Jubbaland Ay Ku Tageen Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynayaasha maamul goboleedada Soomaaliya ee Puntland iyo Jubbaland, Mr Siciid Cabdilaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Socdaalka labadan Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey muddo sanado ah oo ay kaga maqnaayeen khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya, khilaafkaas oo aan weli xal laga gaadhin.

Labada Madaxweyne ayaa waxa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish, kaas oo saaka loo xayidhay waddooyin badan oo caasimadda Soomaaliya ku yaala, si loo sugo ammaanka Labada Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ujeedada socdaalka Deni iyo Axmed Madoobe ayaa daraan inay kulan wada-tashi ah la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo hore u sheegay inuu labada maamul ka qancindoono tabashooyinka ay ka qabaan heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb lagusoo galay, kaasoo labada maamul ka maqnaayeen ka qaybgalka shirkaasi, isla markaana ay si wadajir ah u qaadaceen qodobadii ka soo baxay.