Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqasho Ku Jooga Ciraaq Ayaa Caqabada Haysata Dalkaasi Ku Tilmaamay Faragalinta Shisheeye

HomeSomali News

Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqasho Ku Jooga Ciraaq Ayaa Caqabada Haysata Dalkaasi Ku Tilmaamay Faragalinta Shisheeye

Togdheer: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Miino Bas La Kacday
Muhiimadda Uu Lahaa Geed Laga Jaray Buurta Daalo
Maraykanka Oo 10 Kun Oo Askari Geynaya Bariga Dhexe, Si IRAN Culays Loo Saaro
“Gudiga Doorashadu Ha is Casilaan”Bulshada Rayidka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xaqiijiyey In Qofkii Ugu Horeeyey U Geeriyooday Covid19

Baqdaad, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo socdaal ku maraya dalka Ciraaq ayaa balanqaaday maanta oo Arbaca ah inuu taageero uu siin doono dalkaasi, waxaanu tilmaamay in caqabada ugu weyn ee dalkaasi haysataa ay tahay Kooxda Daacish.

Madaxweynaha dalka Faransiisku waxa kale oo uu sheegay in faragalin farabadani ay arimaha dalka ciraaq kaga imanayso dhinaca dibada taasina ay wax badan ka lumisay dalkaasi.

Waxaanu Madaxweyne Macron uu noqonayaa Masuukii ugu horeeyey ee booqda dalka Ciraaq tan iyo intii Raysal Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi, oo hore u ahaa Madaxa Sirdoonka dalkaasi uu soo dhisay dawlada cusub bishii May, kadib markii Ciraaq ay gilgileen dibadbaxyo mudo saddex bilood ah ka socday dalkaasi oo lagaga soo horjeeday cunaqabataynaha, dagaalka, Musuqmaasuqa iyo dhibaatada dhaqaale ee ragaadisay dalka Ciraaq.

“Faragalinta dibadu waxay saamaysay dedaaladii socday ee dawladdiina,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku, waxaanu intaasi ku daray “Saraakiisha Ciraaq waa inay sii wadaan oo ay wadaagaan aragtida dib loogu soo dabaalayo dalka Ciraaq iyo Madaxbanaanidiisa, waxaana muhiima in horumarka laga sameeyo gobolka oo dhan oo aydaan Ciraaq oo kaliya ku koobnaan, waxaan horayso iyo dambaysaba Faransiis ahaan aanu si buuxda u taageeraynaa Dhismaha Qaranka iyo hay’adaha dawladda ee dalka Ciraaq,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku”.

COMMENTS