Baadigoobka Cid Nool Oo Ku Hoos Jirta Dhismayaasha Ku Dumay Qaraxii Beirut Oo Maalintii 3aad Galay

Beirut, (HCTV) – Kooxaha gurmadku waxay sii wadaan baadi-goobka ay ku raadinayaan cid nool ama badbaaday oo ku hoos jirta burburka dhismayaasha ku dumiyay qaraxii dalka Lubnaan ka dhacay 4-tii August.
Gurmadkan kooxaha Samatabbixiyeyaasha caasimadda Lubnaan ayaa dib u bilaabay kadib markii ay soo baxeen baaqyo loogu baaqayo inay jiraan dad nool ku hoos jira dhismayaasha dumay.
Dekeda Beirut ee caasimada dalka Lubnaan waxa ka dhacay bil ka hor qarax masiibo ah oo burburiyay magaalada, kaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 200 qof, balse bil ka dib waxa hada dib loo bilaabay raadinta cid ka badbaaday qaraxaasi oo dhismayaasha ku hoos jira, taas oo gashay maalintii saddexaad.

Shaqaalaha gurmadka ee reer Chile ayaa khamiistii sheegay inay ogaadeen astaan muujinaysa cid badbaaday oo ku hoos jira burburka dhisme dumay oo ku yaal xaafada Gemmayze.

Ey wax uriya oo magaciisa lagu sheegay Flash – oo reer Chile u keeneen Beirut inay gurmadka kaga qaybqaataan ayaa hawshiisa bilaabay markii u horaysay.

Dhinaca kale dad farabadan oo tiradooda lagu sheegay hilaa 80 qof oo ka soo kala jeeda dalal dhawr ah oo socdaal ku yimid dalka Lubnaan si ay uga shaqaystaan ayaa ku dhintay qaraxaasi masiibada ahaa ee Beirut ka dhacay 4-tii bishii August.