Dhuusomareeb: AMISOM Oo Iska Caabiday Weerar Al-Shabaab Ku Soo Qaaday

Dhusamareeb, (HCTV) – Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa iska caabiyey weerar ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ku soo qaadday saldhig ay ku lahaayeen Dhuusomareeb fiidnimadii Jimcihii.

Ilo wareedyo Militariga laga helayo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM ay fashiliyeen weerarka kadib markii ay heleen xog sir ah oo ku saabsan in weerar ku soo socdo.

Weerarka lagu qaaday saldhiga Milateri ee ku yaala garoonka diyaaradaha Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaad xoogan oo socday ku dhowaad 15 daqiiqo, sida uu warbaahinta u sheegay nin ka tirsan militariga ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Midowga Afrika waxay heleen war ay soo gudbiyeen sirdoonku xili hore oo ku saabsan weerarka waxaanay ku guuleysteen inay iska caabiyaan dagaalyahanada kooxda xagjiriinta ah ee Al-shabaab,” ilo wareedka ayaa intaa ku daray in maleeshiyada ay soo gaadhay khasaare.

Dhuusomareeb ayaa dhawaan marti galisay shir ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya oo ku saabsanaa doorashada.