Dhuusomareeb: AMISOM Oo Iska Caabiday Weerar Al-Shabaab Ku Soo Qaaday

HomeSomali News

Dhuusomareeb: AMISOM Oo Iska Caabiday Weerar Al-Shabaab Ku Soo Qaaday

Booliska Somaliland Oo Nin Ajanabi Ah Ku Qabatay Xayawaanka Caasho Badhida Oo Uu Dalka Ka Dhoofinayey
Air India Oo Lagu Khasbay Inay Degdeg U Cago-dhigato London
Somaliland: Sidee Loo Qaybiyey 450 Arday Oo Itoobiya Deeq Waxbarasho Siisay ?
Madaxweynaha Algeria Oo Is-Casili Doona 28-ka Bishan
Qaadka Ay Somaliland Joojisay Oo Hoos U Dhac Weyn U Gaystay Dhaqaalaha Deegaanka Oromada

Dhusamareeb, (HCTV) – Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa iska caabiyey weerar ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ku soo qaadday saldhig ay ku lahaayeen Dhuusomareeb fiidnimadii Jimcihii.

Ilo wareedyo Militariga laga helayo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM ay fashiliyeen weerarka kadib markii ay heleen xog sir ah oo ku saabsan in weerar ku soo socdo.

Weerarka lagu qaaday saldhiga Milateri ee ku yaala garoonka diyaaradaha Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaad xoogan oo socday ku dhowaad 15 daqiiqo, sida uu warbaahinta u sheegay nin ka tirsan militariga ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Midowga Afrika waxay heleen war ay soo gudbiyeen sirdoonku xili hore oo ku saabsan weerarka waxaanay ku guuleysteen inay iska caabiyaan dagaalyahanada kooxda xagjiriinta ah ee Al-shabaab,” ilo wareedka ayaa intaa ku daray in maleeshiyada ay soo gaadhay khasaare.

Dhuusomareeb ayaa dhawaan marti galisay shir ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya oo ku saabsanaa doorashada.

COMMENTS