Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qarax Shalay Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho, (HCTV) – Saddex qof ayaa ku dhintay toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha maqaaxi ku taal Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu lug ku galay maqaaxida Blue Sky ee ku dhow Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho Arbacadii kahor intaanuu isqarxin.

Bartilmaameedka ismiidaamiyaha ayaa ahaa dad rayid ah oo fadhiyay maqaaxida, ayuu yiri. Wuu dhex socday wuuna is qarxiyay, wuxuu dilay saddex qof oo rayid ah, toddobana wuu dhaawacay.

Waxaan u socday goobtii markii qaraxu dhacay isla markiiba waxaan gaadhay goobta wax ka dhaceen. Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa canug aad u yar. ”

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xireen goobta qaraxa kadib, iyaga oo si kumeel gaar ah ujoojiyay dhaq dhaqaaqii aaga.

“Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u culus. Waxaan arkay dad loola cararay isbitaalka, qaar ka mid ah si xun ayaa loo dhaawacay,” ayuu yidhi Kaasim Cali, goobjooge.

Ma jirin sheegasho deg deg ah oo ku saabsan mas’uuliyadda weerarka.