Somaliland: Wasiir Sheegay In Laga Helay COVID-19

Laascaanood, (HCTV) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID19, maanta oo Salaasa ah.

Wasiir Koore oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in markii lagu baadhay xarun shaybaadh oo ku taala Laascaanod laga COVID19.

“Markii aniga iyo wasiiro kale aanu baadhitaan iskaga qaadnay xarun shaybaadh oo ku taala Laascaanood waxa la iga helay COVID19,” Sidaasi waxa yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Waxaanu intaasi ku daray Wasiirku in todobaadyadii la soo dhaafay ay korodhay tirada dadka uu ku faafayo cudurkaasi.