Laba Qof Oo Ku Dhaawacmay Diyaarada Kenya Laga Leeyahay Oo Xamuul Siday Oo Ku Soo Dhacday Garoonka Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Diyaarad nooca xamuulka qaadda oo laga leeyahay Kenya oo kusii jeedday magaalada Beledweyne ayaa  cilad farsamo oo ku timid awadeed waxay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil booliska ka tirsan.

Shilka Diyaaradan haleelay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in laba qof ay ku dhaawacmeen, waxaanay wararku intaa ku darayaan in diyaaradan ay sahay u siday ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ee ku sugan baladweyne oo waqooyi kaga beegan 335km Muqdisho.

Dhame, Sadik Adan, oo ah afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in labadii duuliye ay dhaawacyo ka soo gaadheen lugta, haatana dhaawaciisa lagu dabiibayo xarunta caafimaad oo AMISOM ay leeyihiin.

Waxaanu intaasi raaciyey in Madaarka Aadan Cade la xidhay wakhti kooban si hawlaha gurmadka loo galo, isla markaana shaqaalihii saarnaa diyaarada dhacday ee the Silverstone Airplane laga soo dajiyey.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.