Labada Aqal Ee Barlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Heshiiska Doorashada

0
3

Muqdisho, (HCTV) – Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

252 Xildhibaan oo kamid ah mudanayaashii goobta ku sugnaa ayaa ogolaaday heshiiskaan. 2 xildhibaan ayaa diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.
Waa markii ugu horeysay oo muddo kadib labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay siwadajir u meel mariyeen sharci ka yimid xukuumada.
Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadda laga sugayaa inay magacaaban guddiyadii doorashada maamuli lahaa, sida guddiga doorashada heer federal iyo heer dowlad goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here