Dawladda Yemen Iyo Xuutiyiinta Oo Ku Heshiiyey Inay Is-dhaafsadaan Maxaabiis Ka Badan 1,000

Geneva, (HCTV) – Dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo maleeshiyada xuutiyiinka ayaa ku heshiiyey inay is-dhaafsadaan maxaabiis tiradoodu gaadhayso 1,000 Maxbuus, oo ay ku jiraan 15 Sucuudiga u dhashay.

Talaabadan ayaa ah mid kor loogu qaadayo is-aaminaada, laguna dardar galinayo hanaanka nabada ee dib u dhacay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ergayga Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa u sheegay warbaahinta inuu shakhsi ahaan aad ugu faraxsan yahay inuu halkan kaga dhawaaqo heshiiskan aadka muhiimka u ah.

Dawlada Yemen, ee uu badhi-taageero isbahaysiga milatariga Sucuudigu hoggaamiye iyo kooxda dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ayaa kala saxeexday heshiis la isku dhaafsanayo 15,000 oo maxbuus sanadkii 2018-kii, hase yeeshee heshiiskaasi oo fulintiisu gaabis noqday ayaa waxa ka fulay qayb ahaan uun.

Labada dhinac ayaa hadda oodda ka qaadi doona 1,081 maxbuus, sida uu sheegay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan gobolka oo shir jaraa’id oo wada jir ah la qabtay Guddida Laanqayrta Cas kadib toban maalmood oo kulan uga socday guddida Geneva.

Ilo wareedo ku dhawaa wadahadalada iyo Telefishanka xuutiyiinta ee Masirah ayaa sheegay in dhaqdhaaqa kooxda Xuutiyiintu ay sii dayn doonaan dhinacooda 400 Maxbuus oo ay ku jiraan 15 Sucuudiyaan ah iyo Afar Suudaaniyiin ah.

Halka isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyona uu sii dayn doono 681 Dagaalyahan oo Xuutiyiin ah.

Waxaanay talaabadani noqon doontaa tiradii ugu badnayd ee la is-dhaafsado tan iyo wadahadaladii Stockholm ee bishii December 2018.