Sucuudiga Oo Sheegay Inuu Qabtay Shabakad Argagixiso Ah Oo Iran lagu Soo Tababaray

Riyadh, (HCTV) – Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay qabtay shabakad Argagixiso ah oo ay soo tobabartay Ilaalada Kacaanka Iran.

Xubnahan Argagixisada ah oo ka kooban 10 qof iyo walxaha qaraxa ayaa la qabtay, inkastoo Tehran ay sheegtay in eedahaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Afhayeen u hadlay Aqalka Boqortooyada Sucuudiga looga arimo ayaa sheegay in saddex ka mid ah kuwa la qabtay ay soo tababartay Iran, halka xubnaha kalena ay xidhiidho la leeyihiin shabakado kale, sida ay daabacday wakaalada Wararka ee dalka Sucuudigu.

Warkan ka soo baxay dawlada Sucuudiga ayaa intaa ku daray in hubka iyo walxaha qarxa lagu qabtay laba guri oo Sucuudiga dhexdiisa ah, waxaana shabakadani Ilaalada kacaanka Iran ay ka heleen tababar milatari oo ay ku dhexqaateen Ciidamada Ilaalada Kacaanka dhawr todobaad dabayaaqadii 2017-kii.