Dagaalka Azerbaijan Iyo Armenia Oo Galay Maalintii Afraad & Dhimashada Ciidammada Oo Gaadhay 2,300

Hargeysa (HCTV) – Dagaalka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha Azerbaijan and Armenia ayaa galay Maalintii Afraad, waxaana jira khasaare culus oo soo kala gaadhay Ciidammada labada dhinac.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhex qarxa labadan Waddan illaa sannadkii 1994-kii oo Xabad-joojin la dhex dhigay.

Ugu yaraan 2,300 oo Askarta Armenia ah ayay Ciidammada Azerbaijan dileen Afartii Maalmood ee uu dagaalku socday sida Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ay ka soo xigatay Wasiirka Difaaca ee Azerbaijan.

Labada Dawladood ee Azerbaijan iyo Armenia ayaa ku dagaalamaya Gobolka Nagorno-Karabakh, waxaanu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay dagaalka socda uu Dawladda Turkiga ku eedeeyay inay dhiiri-gelinayso dagaalka.

Nagorno-Karabakh ayaa ah Gobol la isku haysto oo ku yaalla Gudaha Azerbaijan, laakiin waxa Maamula Dad ka soo jeeda Armenia, waxayna Azerbaijan Gobolkaa ka goosteen  1990-kii, ka dib dagaal qadhaadh oo halkaa ka dhacay, laakiin Dawladna uma aqoonsan Dal ahaan, lamana siin Madax-bannaani.

Dagaalkan ayaa ku fiday Xuduudaha ay wadaagaan labada Dal ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyatii ee Azerbaijan iyo Armenia, waxaana jira boqollaal Qof oo Rayid ah oo siyaalo kala duwan ugu dhintay dagaalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka