Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Maanta Ka Qeyb-galay Qalin Jabinta dufcadii 27aad Ee Jaamacada Golis

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jabinta Jaamacada Gobis  Dufcadeedii 27aad oo ay ka baxeen 1,386 arday.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba Hambalyo u diray Dhammaan Ardayda dhamaysatay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada, waxaana uu Waalidiinta, maamulka iyo macalimiinta ku boggaadiyey dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen ka midha dhalinta ardaydaasi, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in aqoonta la kordhiyo si waddanka iyo Bulshadiisu u horumaraan.

Ugu Danbayntiina waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay Jaamacada iyo kuwii ugu sareeyey Kulliyadaha kala duwan isla sidoo kalena waxa uu Shahaado sharaf gudoonsiiyey shakhsiyaad haldoor u ah Qaranka oo Jaamacada Golis abaal marisay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA