Beesha Arab Oo Ku Dhawaaqday Shirweyne Ay Qabsanayso

Hargeysa (HCTV) – Suldaanka Guud ee Beesha Arab – Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ku dhawaaqay in beeshiisu qabsanayso shir.

Suldaan Cumar oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in beesha Arab ay 21-ka bishan October ay u muddaysay qabsoomidda shirkaasi

Suldaanka guud wuxuu sheegay inay qaban-qaabada shirka beeshiisu yeelanayso u saareen guddi – kuwaasi oo dhawaan ku dhawaaqi doona goobta shirka lagu qabanayo iyo weliba ujeeddada loo qabanayo xilligan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA