Saylici Oo U Tanaasulay Saajin

Hargeysa (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inuu u tanaasulay Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inuu Wasiirka Ganacsiga uga tanaasulay Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye – kaasi oo markii hore Wasiirka Ganacsigu doonayey inuu kula tartamo marka la gaadho shirweynaha 4aad ee Xisbiga oo Toddobaadka soo socda ka furmaya Hargeysa.

Saylici oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa Maanta ayaa sheegay inuu sidaa u sameeyay Qaranka Somaliland iyo Shacabka reer Awdal.

Wasiirka Ganacsiga oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-celiyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA