Sucuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Ogolaaday In Haweenka Ciyaaraan Golf

Hargeysa (HCTV) -Sucuudiga ayaa u diyaar garoobaya marti gelinta tartankii u horeeyey ee ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo heer caalami ah oo markii uu horaysay lagu qaban doono dalkaas bisha Noofember ee soo socota.

Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah. Ka koowaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas.

Labada tartan waxay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens.

Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii march ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii.

Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub, Alexandra Armas, ayaa tidhi “Aad baanu ugu faraxsannahay in aanu taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka”.

Sidii loo mideeyey gobollada Xijaas iyo Najd ee boqortooyada Sucuudigu ku dhalatay Abaal-marinta tartanka qof-qof ka ah waxa qiimaheedu gaadhaysaa hal milyan oo doolar, halka qiimaha kooxuhuna tahay 643,000 oo doolar.

Waxaana ka qayb geli doona tartanka haweenka xirfadleyaasha Golf-ka ah iyo qaar kale oo aan ka qayb galin tartannada xirfadleyaasha Golf-ka.

Waxaana tartanku ka dhici doonaa goob deegaankeedu nadiif yahay oo aan looga cabsi qabin fayraska korona

Emmy Boland oo tartankii u dambeeyey ee Golf-ka haweenka ee ka dhacay Switzerland lagaga guulaystay horyaalka bishii Noofember horaanteedii ayaa tidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko xiligan in Sucuudiga] lagu qabanayo tartanka Golf-ka haweenka”.

Waxaanay intaa ku dartay “Waxaa sidaa ku furmaysa fursad kale oo ay haweenka ciyaartoyga ahi ugu diyaar garoobaan todobaad uu dhici doono tartanka ciyaarta aan jecelnahay oo lagu qaban doono dal ay ku yaallaan garoomo Golf-ka ah oo muuqaallo bilicsan leh”.

Laakiin Megan McLaren oo u dhalatay dalka Ingiriiska, tartankii ugu dambeeyey ee Golf-ka na ku guulaysatay ciyaaryahannadii ugu fiicnayd ee Yurub, ayaa ku gacan saydhay in ay ka qayb gasho tartankan markii hore ee la qaban lahaa bishii March oo ku diiday in “ciyaaraha dano siyaasadeed looga faa’iidaysanayo”.

Sucuudiga ayaa lagu eedeeyey in uu tartannada ciyaaraha u qabto si uu indhaha caalamka uga jeediyo duruufaha xuquuqal insaanka ee dalka ka jira.

Laakiin masuuliyiinta qabanqaabinaya tartannadaas ayaa BBC-da u sheegay in dhamaantood looga gol leeyahay in taageerayaasha ciyaaraha lagu dardar geliyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA