Donald Trump Iyo Xaaskiisa Melania Oo Laga Helay COVID19

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa laga helay cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa hadda ku jira karantiin, tan iyo markii la xaqiijiyey in ay qabaan Covid19.

Mr Trump, ayay xiligan da’diisu tahay 74, waxaanu tartan adag uu kala kulmayaa xiligan xisbiga Dimuqraadiga ah ee uu u sharaxan yahay Joe Biden, doorashada Madaxtooyada dalka maraykanka oo la filayo inay qabsoonto bil ka dib 3 November.

Cudurka COVID19 ayaa ku dhacay tiro ka badan 7.2 million qof oo Marakanka u dhashay, halka ay ku dhinteen in ka badan 200,000 qof oo kale.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.