Dawladda Sudan Oo Maleeshiyaadka Dalkeeda La Saxeextay Heshiis Muhiim Ah

Juba, (HCTV) – Dawladda Sudan iyo Maleeshiyaad ku kacsanaa dawladda ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Juba sanad ka dib markii wadahadaladu ay dib u bilaabmeen.

Dawladda Sudan iyo Maleeshiyaadkan heshiiska kala saxeexday maanta oo sabti ah ayaa si farxad leh loo soo dhaweeyey heshiiskan ujeedadiisu ay tahay in lagu soo afjaro dagaal tobanaan sanadood socday, kaas oo galaaftay boqolaal kun oo qof oo ku dhintay dagaalkaasi.

“Maanta waxaanu gaadhnay heshiis. Aadbaanu ugu faraxsanahay. Hawshaasi waanu soo dhamaystirnay,” ayuu yidhi Tut Gatluak, oo ah Madaxa Koonfurta Sudan u qaabilsan wadahadalada, heshiiskan ayaa yimid maalmo ka dib markii dib loo bilaabay wada hadalada Nabada ee Sudan.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa waxa ka soo qaybgalay hoggaamiyeyaasha dawladdaha ay jaarka yihiin Sudan iyo xubno Wasiiro ah, oo ay ka mid yihiin Somalia, Djibouti, Ethiopia, Masar, Qatar iyo Saudi Arabia, kuwaas oo dhamaantood goobjoog ka ahaa munaasibadda heshiiskaasi lagu kala saxeexday oo ka dhacday Juba, caasimmada dalka Koonfurta Sudan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.