Fatahaado Ku Dhuftay Talyaaniga Iyo Faransiiska Oo 25 Qof Lagu La’ Yahay

Rome/Paris, (HCTV) – Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu layahay, halka laba qof oo kalena ay ku dhinteen Fatahaado ku dhuftay dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, kadib markii duufaani ay ku dhufatay gobolada xadka ay wadaagaan labada dal.

Duufaantan oo soo rogtay daadad farabadan ayaa sidoo kale waxyeelaysay wadooyin iyo guryo sida ay sheegeen masuuliyiinta dawladdu maanta oo Sabti ah.

Duufaanta oo u socotay habeenimadii xalay dhinaca koonfurta-bari ee dalka Faransiiska, ayaa u gudubtay waqooyiga Talyaaniga waxaanay sababtay khasaare farabadan kadib markii daadadku ay waxyeeleeyeen Biriishyo, iyo Jidad ay jareen, halka ay bulshooyin farabadana ay go’doon galiyeen.

Dalka Talyaaniga, kooxda da-damiska oo gurmad ka gashay buuraha ku yaala gobolka Waqooyiga Val d’Aosta, ayaa mid ka mid ahi uu ku dhintay.

Sidoo kale waxay wararku ku darayaan in 17 qof la la’yahay gobolka Piedmont, halkaas oo dadku ay isticmaalaan gaadiid marka ay iskaga gudbayaan Col de Tende oo buuraha dhaadheer ee isku xidha Faransiiska iyo Talyaaniga, sida ay sheegeen masuuliyiinta Faransiiska iyo Talyaaniga ee qaabilsan bad-qabka shacabka.