Madaxweyne Biixi Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Furmay

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirweynaha 4aad ee xisbul xaakimka Kulmiye oo maanta ka furmay hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbadiisa kaga hadlay arimo door ah waxaanu si gaar ah uga hadlay muhiimmadda ay leedahay in cashuurta la bixiyaa.

Madaxweyne Biixi mar uu ka hadlay ciidamada Qaranka iyo sida ay lafdhabarta ugu yihiin dalka ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada qaranku waxay gaashaan bir ah u yihiin horumarka dalka dhan wal oo ay tahay ba, waannu ku faanaynaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, waxaanu intaasi ku daray “Inkasta oo ay jiri karaan duruufo yimaaddaa, Somaliland waxa weli ka go’an dhaqankii ahaa doorasho xor iyo xalaal ah, xilligeeda dhacda, xilkana loo wareejiyo si hagar la’aan ah”Madaxweyne Biixi

“Sannadka 2021ka waxa la billaabi doonaa barnaamijkii hawlgabka shaqaalaha, kaas oo fursad siin doona da’yarta iyo dhalinyarada”

“Si loo saxo qaladaadka ka jira xagga shaqada, waxa la xulan doonaa cidda u qalanta ee xaqa u leh. Tusaale waxa kamid ah Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo loo galay tartan xalaal ah” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.