Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somalia Oo Socdaalkiisii Ugu Horeeyey Ugu Baxay Dalka Kuwait

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta socdaalkiisii ugu horeeyey ugu baxay dalka Kuwait, kaas  la filayo in shacab weynaha dalka Kuwait inuu uga tacsiyeeyo geeridii ku timid boqorkii hoggaaminayay dalkaasi mudada dheer.

War kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yirdh “Rooble wuxuu la kulmi doonaa boqorka cusub ee Kuweyd Shiikh Nawaf al-Ahmed al-Saba”
Boqorkii hore ee waddankaas ayaa geeriyooday,  isagoo 91 jir ah, wuxuuna ku dhintay dalka Maraykanka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Kuweyd kala hadli doona qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii taageero looga heli lahaa,  sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya.