COVID_19: Wasiir Raalligelin Ka Bixisay Amar Ay Bulshada Siisay Oo Uu Ninkeedu Jebiyay

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-wha ayaa raalligelin bixisay, kaddib markii ninkeeda uu u safray Mareykanka si uu u soo iibsado Markab nooca raaxada ah – isagoo jebiyay talooyinkeeda ku aaddan safarka.

Lee Yill-byung, oo wax ka dhiga Jaamacadda Yonsei, ayaa Sabtidii lagu arkay Garoonka Caalamiga ah ee Incheon, isagoo ku sii jeeday Mareykanka.
Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu u socdo dalxiis.

“Coronavirus kuma dhammaan doono maalin ama labo maalin gudahood. Guriga iskama fadhin kartid maalin walba, marka sidaan qabo, si caadi ah ayaad isaga noolaan kartaa adiga oo taxadaraya..” ayuu yidhi Lee.

Sida ay wararku sheegayaan wuxuu Mareykanka u aaday inuu ka soo iibsado Markab nooca raaxada ah.

Si kastaba, tan iyo bishii March, wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa shacabka ku boorrisay inay ka baaqsadaan safarrada dibadda ee aan muhiimka ah inta lagu guda jiro xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

“Waan ka xumahay in tani ay dhacday xilli ay dadku iska deynayaan safarrada dibadda,” ayay tidhi Ms Kang.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka