Dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan Oo Toddobaadkii Labaad Galay

Hargeysa (HCTV) – Waxa Toddobaadkii labaad galay dagaalka u dhexeeya Dawladaha Armenia iyo Azerbaijan.
dagaalka oo galay toddobaadkii labaad ayaa Armenia and Azerbaijan uu midba midka kale ku eedaynayaa inuu bartilmaameedsaday Magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla Gobolka Nagorno-Karabakh oo ah ka dagaalku ka socdo.

Warbaahinta ku hadasha Afka Dawladda Armenia ayaa Axaddii Shalay baahisay Muuqaal muujinaya Ciidammada Azerbaijan oo hubka Altalariga ku garaacaya Magaalada Stepanakert, waxayna sheegtay in weerarkaasi uu khasaare ka soo gaadhay Dad Shacab ah.

Muuqaalka la baahiyey ayaa muujinaya khasaare soo gaadhay dhismayaal qaarkood yihiin Dabaqyo la daggan yahay iyo waddooyin ay qariyeen Burburkii dhisamayaashaasi.

Warar ay baahiyeen Telefiishannada Dunida qaarkood ayay ku sheegeen in weerarka ka dhacay Magaalada Stepanakert ay ku dhinteen illaa Lix qof, waxaana laga cabsi qabaa in Ciidammada Asarbajaan ay Isniinta Maantana halkaa dib uga bilaabaan duqaymo.

Wasiirka difaaca ee Armenia ayaa Twitter-ka ku baahiyey inaan goobaha Ciidammada Aerbiajan duqeeyeen ahayn Stepanakert oo keliya, balse ay duqeeyeen Magaalooyin kale oo ay ka mid tahay Shushi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka