Ethiopia Oo Joojisay Duulimaadyada Dul Mara Biyo-Xidheenka Tamarta Laydhka Ay Ka Dhalinayso

Addis Ababa, (HCTV) – Ethiopia ayaa mamnuucday dhamaan duulimaadyada dul mara biyo-xidheenka laga dhalinayo tamarta laydha ee wabiga the Blue Nile, arimo amaan awogeed.

Madaxa Maamulka Hawada ee dalka Ethiopia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah, in biyo-xidheenkaasi uu bilaabayo 12-ka bilood ee soo socda inuu soo saaro Laydhka.

Talaaban ayaa uga sii dari karta khilaafka u dhexeeya Ethiopia, Masar iyo Sudan eek u saabsan Dhaamka ay ku baxday $4 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam, kaas oo Qaahira ay sheegtay inuu halis ku yahay helida biyaha Niilka ee dalkeeda.

“Dhamaan duulimaadyada waa la joojiyey si loo sugo amaanka Biyo-xidheenka,” Sidaasi waxa yidhi Madaha Duulimaadyada Hawada ee dalka Ethiopia, Wesenyeleh Hunegnaw, kadib markii uu sidaasi ugu sheegay khadka Telefoonka Wakaalada wararka ee Reuters. Waxaanu sidoo kale ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo sababta keentay arintaasi.

Hadal uu jeediyey isla maanata Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde oo ka hadlayey aqalka baarlamaanka ayaa yidhi “Sanadkani waxa uu noqon doonaa sanadkii Biyo xidheenka Ethiopia uu bilaabayo inuu soo Laydh.”