Shirweynaha Kulmiye: Hoggaanka 5-ta Sanadood Ee Soo Socda Oo La Doortay

Hargeysa (HCTV) – Shirweynaha 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa Galay Maalintiisii labaad, ka dib markii uu Shalay si rasmiya uga furmay Caasimadda Hargeysa.

Shirweynaha ayaa Maanta Dib u doortay Guddoomiyaha oo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa loo doortay Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad waxa loo doortay Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ayaa loo doortay Xuseen Aadan Cadde, halka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aadna loo doortay Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), kaasi oo uu uga tanaasulay Madaxweyne ku-xigeenka.

Shirweynaha waxa kale oo lagu ansixiyey in Xoghayaha guud ee Xisbiga oo lagu tartami jiray uu noqdo Xil uu Guddoomiyuhu Magacaabo isla-markaana uu ansixiyo Golaha dhexe ee Xisbigu.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka