Tirada Tahriibayaal Meydadkooda Laga Helay Xeebta Jabuuti

Jabuuti (HCTV) – Tahriibayaal la rumaysan yahay inay dhammaantood Itoobiyaan yihiin isla-markaana dib ugu noqonayey Geeska Afrika, markii ay awoodi waayeen inay galaan Sucuudiga, maaddaama oo xuduudku u xidhan yahay Xanuunka Covid_19 awgeed ayaa Meydadkooda laga helay Xeebta dalka Jabuuti.

Dagaalka Yemen iyo Xanuunka Saf-marka ah ee Covid_19 ayaa khatar ka dhigay in loo safro dalalka Khaliijka, waxayna taasi keentay in Tahriibayaashu dib ugu noqdaan dalalkii ay ka yimaaddeen ee Geeska Afrika.

“Ugu yaraan 8 Muhaajiriin ah ayaa dhintay, 12 kalena badda ayaa weli lagu la’yahay, ka dib markii mukhalasiinta Doonta maamulayey kaga tuureen Xeebta Jabuuti..” ayuu yidhi, afhayeenka Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM, Yvonne Ndege

“Sida laga soo xigtay Markhaatiyaal bedbaaday, saddex Mukhalas ayaa xoog ku muquuniyey kana tuuray doonta, dadka weli la yahay iyo kuwa dhintay..Mukhalasiinta ayaa jihada ku haga Tahriibayaasha, taana waxay kaga dalbadaan inay qoysaska Tahriibayaashu lacago u soo diraan.”

Meydadka 8 Qof ee laga helay Xeebta, ayaa Masuuliyiinta Jabuuti gudaha dalka Jabuuti ku aaseen, sida ay sheegtay Al-jazeera oo sii xiganaysa IOM.

IOM waxa kale oo ay sheegtay in Tahriibayaal gaadhaya 2000 oo ka soo noqday Yemen ay labadii Toddobaad ee u dambeeyay soo gaadheen Jabuuti.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka