Amiirka Kuwait Oo Golaha Wasiirrada Ka codsaday In Aanay Iscasilin

Kuwait (HCTV) – Amiirka cusub ee Dawladda Kuwait ayaa Golaha Wasiirrada ee dalkaasi waydiistay inay Xafiisyada sii joogaan, ka dib markii uu Raysal-wasaaraha dalkaasi gudbiyey Iscasilaadda Xukuumaddiisa.

Raysal-wasaaraha Dalkaasi Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa la kulmay Amiirka cusub ee Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah, kaasi oo awoodda la wareegay Arbacadii la soo dhaafay.

Raysal-wasaaraha ayaa kulanka uu la yeeshay Amiirka wuxuu ugu gudbiyey Icasilaaddiisa, taasi oo ka dhigan in Xukuumaddiisa oo dhami dhacayso, laakiin Amiirka ayaa Golaha Wasiirrada ka dalbaday inay sii shaqeeyaan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Kuwait ee KUNA.

Wakaaladda KUNA waxay sheegtay in Amiirka cusub uu caddeeyay inuu ku kalsoon yahay Golaha Wasiirrada ee Kuwait, kuwaasi oo la soo dhisay bishii 12-aad ee Sannadkii hore.

Amiirka ayaa sidan u yeelay in Golaha Wasiirradu kala shaqeeyaan diyaarinta hawlaha la xidhiidha qabashada doorashada Baarlamaanka, taasi oo ka mid ah waajibaadyada ugu waaweyn ee sannadkan sugaya.

Sheikh Nawaf oo da’diisu tahay 83, ayaa xilka Amiirnimo ee Dalka Kuwait la wareegay markii uu Geeriyooday Walaalkii Sheikh Sabah Al Ahmad, kaasi oo da’diisu ahayd 91.