Shirka Kulmiye Oo La Soo Gebogabeeyay, Golaha Dhexe Oo La Ansixiyey Iyo Madaxweyne Biixi Oo Khudbad Ka Jeediyey

Hargeys (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay Shirweynihii Afraad ee Xisbiga Kulmiye oo muddo Saddex maalmood ah ka socday Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Ka hor inta aan la soo xidhin Shirka waxa lagu ansixiyey Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo tiradoodu dhan tahay 241.

Shir-guddoonka Shirka ayaa sheegay inay Shirka ka soo xaadireen 234 Xubnood oo Golaha dhexe ah, sidaasi darteed ay iyagu xagga dambe kaga dari doonaan 7 xubnood ee aan xaadirka ahayn.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban ka jeediyey Gebogabadii Shirkaasi, ayaa Shacabka reer Somaliland ugu baaqay midnimo, isagoo sheegay in qabsoomidda shirweynaha Kulmiye ay guul u tahay Shacabka reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu bogaadin u diray Dedaal Dhexdhexaadineed oo laga dhex wado Beelo ku dagaalamay Sool iyo Sanaag.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka